Liverpool oo Hogaanka Premier league Sii Dheeraysatay

 



Kooxda Liverpool ayaa galabta garoonkeeda Anfield ku xasuuqday kooxda Ipswich waxa ayna ku muquuniyeen 4-1 

Sida iska caadiga ah ma aha wax lala yaabo in kooxweyni ay tiro goolal ah kaga badiso koox yar lakkin kooxda Slot waxa ay ku dadaalayaan in aanay wax dhibco ah kaga lumin kulamada ay ay la dheelayaan kooxaha yar yar

Waxa ay inta badan dhibco muhiim ah kuluminjireen kulamada inta badan loo saadaaliyo in ay guulaysanayaan 

Waana sababta sanadihii ugu danbeeyey ee macalin Klopp uu bilaha ugu danbeeya u lumin jiray u tartanka horyaalka ingiriiska 

Hada waxa ay u muuqataa in macalin Slot uu aad diirada u saaro kooxaha hoose oo aanu marnaba u dhayalsan 

Hadii aynu eegno kulankii galabta sidii iska cadayd ciyaarta waxa iska maamulanaysay kooxda Liverpool  

Waxa ayna isla bilowgii ciyaarta daqiiqadii 11aad dhaliyeen goolkooda koowaad waxana u dhaliyey Dominic Szobszlai oo kubad uu ka leexsaday difaaca darbo kulul goolhayaha daba mariyey 

Isla qaybtii hore daqiiqadii 35aad ayuu Salah u labeeyey kubad uu si cajiib ah ugu soo qaadsy Gakpo dhamaadkii qaybta hore ayey Liverpool heshay goolkeeda sadexaad waxaana u dhaliyey  Gakpo 

Qaybtii horena waxa lagu kala nastay 3-1 ay Liverpool leedahay in kastoo kooxda Ipswich ay difaac ku jirtay hadana taasi waxba kama badalin in goolal laga dhaliyo

Qaybtii labaad ayey kooxda Ipswich hurdada ka toostay waxa ayna ku dadaaleen in aan goolala tirobadan oo kale laga dhalin 

Laakiin kooxda Liverpool waxa ay dhalisay goolkooda afraad waxaana u dhaliyey Cody Gakpo daqiiqadii 66aad 

Badalo tiro badan oo ay labada macalin sameeyeen ka dib kooxda Ipswich waxa u suurto gashay i  ay goolka madiga ah la yimaadaan 

Waxaana gool madax ah u dhaliyey Jacob Greaves waxa aanuu ahaa goolkiisii ugu horeeyey ee uu horyaalka ingiriiska ee Premier league ka dhaliyo

DHACDOOYINKII CIYAARTA 

Cody Gakpo waxa uu noqday laacibkii ugu horeeyey ee kasoo jeeda dalka Netherland ee lix kulan oo xidhiidh ah garoonka kooxdiisa goolal ku dhaliya

Goolkii uu dhaliyey Mo Salah  waxa uu ahaa goolkiisii 100 aad ee uu ku dhaliyey Anfield 

Mo Salah waxa uu jabiyey rkoodhkii halyeygii kooxda Arsenal ee Thiery Henry ee ahaa 175 gool in uu ka dhaliyey Premier league 


Post a Comment

Previous Post Next Post