LIVERPOOL OO GUUL AY KU RAFAADAY KA GAADHAY KOOXDA LILE




Ciyaar xiiso badan ayaa garoonka kooxda Liverpool ee Anfield ku dhexmartay labada kooxood ee Liverpool iyo Lille.

Kulankan oo kamid ahaa kulamada Champignons league ee caawa la ciyaaray ayey kooxda Liverpool gurigeeda kusoo gaadhay guul cidhiidhi ahayd oo ay 2-1 kaga adkaadeen kooxda Lille.

 Slot kooxdiisa waxa ay u dagaalamayeen in ay sii haystaan Rikoodhkooda xaga guulaha ee Champignons league iyaga oo guushii todobaad  oo xidhiidh ah caawa gaadhay waana hogaamiyeyaasha Champignons league

Dhanka kooxda Lille waxa ay soo bandhigeen ciyaar cajiib ahayd oo ay cadaadis ba an saareen kooxda Liverpool iyaga oo waliba ciyaartoy uu casaan ka qaatay qaybtii danbe ee ciyaarta badankeedana ku ciyaarayey sagaal ciyaartoy

Waxa kulanka xiisaha u yeelayna waxa ay ahayd in kooxda Lille aan cidina filayn in ay cadaadiska intaas leeg saarikaraan kooxda Liverpool  oo iyadu xiliciyareed cajiib ah dhex dabaalanaya waxana loo arkayey in ay awood ahaan aad uga hoosayso

Sikastaba ha ahaatee qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 34aad ayey liverpool u suurto gashay in ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan gool uu Salah u dhiliyey goolkaas ayaana lagu kala nastay. 

Qaybtii labaad oo wax yar socota ayaa kooxda Lille  waxa daqiiqadii 59aad jaalihii labaad lootaagay difaacooda Aissa Mendi kaas oo ciyaarta lagaga saaray Labo jaale oo uu qaatay 

Balse waxa yaab ku noqdah taageerayaasha kooxda Liverpool in aanay kooxda Lille  tabinba xidigooda garoonka laga saaray 

Waxayna daqiiqadii 62aad la yimaadeen goolka barbaraha oo uu dhaliyey xidigooda David ciyaartiina waxa ay ka dhigeen 1-1 balse farxadaasi ma aysan sii waarin ee shan daqiiqo kadib

Waxa gool quruxbadan ka dhaliyey Harvey Elliott daqiiqadii 67aad  ciyaartiina waxa ay kusoo idlaatay 2-1  

Waxa ay nasiibdaro u ahayd Federico Cheasa oo laba isku day oo uu sameeyey goolwaduhu ka badbaadiyey.

DHACDOOYINKII CIYAARTA

Kooda Lille  oo aan 21 kulan laga badin ayaa Liverpool Rikoodhkaas ka jabisay 

Vandijk waxa uu noqday ciyaartoygii labaad ee 50 kun ee ciyaaraha Europian cups 35 kamid ah badiyey wuxuuna barbareeyey Phil Nil

Slot waxa uu noqday Tababarahii labaad ee badiya 7 kulan oo xidhiidh ah taariikhda Champignons league 

Liverpool waxa ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee usoo gudubta wareega 16ka Champignons league ee sanadkan qaabkii hore qaabkaduwan laga dhigay.


Post a Comment

Previous Post Next Post