Kooxda kubada cagta Feynoord ayaa ka yaabsaday kooxda muruqa weyn ee Bayern München oo marti ku ahayd garoonka Feynoord Stadium
Hadii aad maqli jirtay koox ayaa nasiibku ka hiiliyey caawa waxa uu ka hiiliyey Bayern München oo kubado ku tuuray goolka Feynoord in ka badan sodon jeer
Todoba ka mid ahna waxa ka badbaadiyey gool hayaha kooxda Feynoord Justin Bijlow oo uu nasiibku u hiiliyey xataa waxaa la arkayey kubad aanu gaadhin oo birta ku dhacday
Ciyaarta waxa iska maamulanaysay kooxda Bayern München labada qayboodba laakiin goolasha waxa dhashanayey kooxda Feynoord
Daqiiqadii 21aad ayey kooxda martida loo ahaa heleen goolkooda koowaad waxaana darbo xoogan shabaqa ku hubsaday Gimenez halka dhamaadka qaybta hore ay la yimaadeen goolkooda
Labaad waxaana u dhaliyey isla Gimenez daqiiqadii 49aad oo ka faaiidaystay kobad rogaal ceis ahayd oo xataa daafacyada kooxda Bayern ay weerar kusoo maqanaayeen
Markii qaybta labaad nasashada lagasoo noqday Bayern München waxa ay kusii badiyeen cadaadiska dhigooda Feynoord
Lakkin isku dayo tirabadan oo fashilmay kadib daqiiqadii 89aad ayaa loo quusgooyey waxaana goolka sadexaad ka dhaliyey Ueda
Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday 3-0 ay guushu ku raacday kooxda Feynoord.
DHACDOOYINKII CIYAARTA
Justin Bijlow waxa uu noqday usbuucan gool hayehii koowaad ee kabadbaadiya tiro todoba jeer ah gool in uu ka dhasho
Bayern München waxa ay noqotay kooxda toogtay goolka kooxda kasoo horjeeda 34 jeer hadana aan wax gool ah dhalin waxa ay sidan oo kale dhacday 2012