Layaab ma aha in aad maqasho ama aragto Manchester city ayaa si daran loo karbaashay sababtuna waa in ay ku jiraan xiliciyareed aad ugu adag kooxda Pep Guardiola
Hadaba xalay kulankii Champignons league ee ay la ciyaarayeen BSG waxa uu ahaa mid aad loogu bahdilay kooxda Cityzens
Qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay kooxda Manchester city ahaayeen maqane jooge waxa ayna nasiib ku lahaayeen in aan wax goolal ah laga dhalin in kastoo dhawr jaanis lagu helay
Hadaba qaybtii danbe ayey noqotay in kooxda Pep Guardiola ay sadex daqiiqadood gudohood ku helaan laba gool
Waxaana goolka koowaad 50aad u dhaliyey Gralish oo si way ugu dabaal deagy goolkiisii koobaad ee uu xiliciyaareedkan Champignons league ka dhaliyo
Haaland ayaa daqiiqadii 53aad u labeeyey oo hogaanka kooxdiisi si wanaagsan gacagta ugu galiyey
Laakiin kooxda Luis Enrique ma aysan niyad jabine waxa ay muujiyeen dadaal waxa ayna u dagaalameen si adag kumana qaadan wax kabadan lix daqiiqo in ay ciyaarta barbareeyaan
Goolka koowaad waxa daqiiqadii 56aad u dhaliyey Ousmane Dembele waxaana daqiiqadii 60aad bareejeeyey Bradley Barcola
Sidaa kagama aysan hadhine waxa ay usii karbaasheen sidaran waxa ayna goolka sadexaad ka dhaliyeen daqiiqadii 78aad waxaana madax ugu dhaliyey Joao Neves
Ugu danbayna in kastoo ay ka badbaadeen in xili horeba loo quus gooyo birtana loo garaacay waxa xiligii dhimashada goolka afraadna ka dhaliyey Gonzalo Ramos in kastoo golkan Var ay soo ansixisay
Waxa ay najiitani niyad jab weyn ku ahayd macalin Pep Guardiola oo xili ciyaareed adag wajahaya lagana yaabo in aysan ka mid noqon soo gudbayaasha hadii aanay wax isbadalin
Dhanka kale waxa ay farxad weyn u ahayd macalin Luis Enrique oo si weyn u dabaal degay markii ciyaarta la dhameeyey waxa ayna kooxdiisu kasoo baxday qadkii casaa ee ay ku jireen
Waxa ayna soo galeen kaalinta 22aad ee kala saraynta nidaamka cusub ee Champignons league
DHACDOOYINKII CIYAARTA
.Manchester city waxa wajahday 26 jeer oo goolkooda ay toogtay BSG waana markii ugu horeysay ee ay taasi dhacdo tan iyo intii ka danbaysay 2012kii
.Manchester city waxa kaloo loo diiwaan galiyey in la gaadhiisay 36.9 xaga kubad haysashada waana markii koowaad ee sidaas loo bahdilo tan iyo intii ka danbaysay 2016kii
.Bradley Barcola waa markiisii ugu horeysay ee ciyaar Champignons league uu goolna ka dhaliyo midkalena caawiyo
. Goolkii Ousmane Dembele uu kadhaliyey Manchester city waxa uu ahaa goolkii 500laad ee ay BSG diiwaan gashato kulamada Europianka