BARCELONA OO XILIGII DHIMASHADA KA GUULAYSATAY BENFICA

 


Kulan waali ahaa oo sagaal gool la iska dhaliyey ayaa waxa uu dhexmaray labada kooxood ee Benfica iyo Barcelona 

Kulankan oo ka tirsanaa Champignons league  ayaa xiiso gooni ah waxa u yeelay sida aan kala joogsiga lahayn ee labada kooxood ay goolasha isku waydaarsadeen 

Waxa ayna kala qayb sadeen ladii qaybood ee ciyaarta oo Benfica ay qaybtii hore ee ciyaarta ciqaabeen kooxda Barcelona  

Halka Barcelona iyaduna ay qaybtii danbe Karbaashtay Benfica waxaase ciyaartu u shidnayd xidiga kooxda Benfica ee  Vangelis Pavlidis oo sadexley ka dhaliyey Barcelona 

Aynu ku bilownee kooxda Benfica ayaa daqiiqadii labaad kaga naxsatay Barcelona  gool  uu u dhaliyey Vangelis Pavlidis balse 

Waxbadan ma aysan xejisan ee waxa ay Barcelona barbaraysay daqiiqadii 13aad oo uu gool rikoodhe ah u dhaliyey Robert Lewandowski 

Balse kooxda martida loo ahaa waxa ay lasoo baxday dardar dheeri ah wax ayna goolkooda labaad la yimaadeen daqiiqadii 22aad 

oo uu markale Vangelis Pavlidis kubad hadyad ah ka helay gool wadaha Barcelona oo si qaldan ugu dhacay difaaca bidix ee Baalde ku hubsaday shabaqa

Waxa ay ahay khalad wayn oo uu sameeyey gool wadahu wuuna ka baaqsankaraayey in uu banaanka uga soo baxo xerada ganaaxa kuna dhaco difaacyahankiisa

Kaaga darene daqiiqadii 30aad ayaa goolkii sadexaadna oo rikoodhe ahaa laga dhaliyey waxaana ka dhaliyey Vangelis Pavlidis 

Wuxuuna ahaa Khalad kale oo uu goolwada Barcelona Wojciech Szczesny galay oo lagu ciqaabay kooxdiisaq aybtii hore ee ciyaartuna waxa ay kusoo idlaatay 3-1 ay taageerayaasha kooxda Benfica oo joogay garoonkooda Stadio de Lus  ay ku raaxaysteen 

Qaybtii labaad ee ciyaarta waxa ay labada kooxoodba kula soo laabteen garoonka dardar xoogan waxana Barcelona u suurto gashay inay helaan goolkooda labaad daqiiqadii 64aad

 waxaana u dhaliyey Xidigooda Rafinha  kubad uu siqaldan ugu dhuftay goolwadaha Benfica laakiin afar daqiiqadood kadib ayey 

Kooxda Benfica heshay goolkooda afraad waxaana markan goolka iska dhaliyey daafaca ahna kabtanka kooxda Barcelona Araujo

Intaas wixii ka danbeeyey waxa nasiibku saaciday kooxda Barcelona oo oo goolkooda sadexaad latimi daqiiqadii 78aa  waxaana markale rikoodhe u dhaliyey Robert Lewandowski 

Ala maxuu kulan cajiib ah ahaa daqiiqadii 86aad ayey Barcelona ciyaarta barbaraysay waxaana gool madax ah u dhaliyey daafaceeda Garcia

Wuxuuna goolkaasi ahaa goolkii sideedaad ee la iska dhaliyo iyo musalsal ka socday garoonka Stadio de Lus 

Weerar iyo weerarcelis kadib waxa ay u muuqatay in ay Benfica waqtigii dhimashada la imandoonto goolka guusha 

Weerar culus oo ay kusoo qaadeen xerada ganaaxa Barcelona oo waliba u muuqday in laba jeer kubada sixoog ah looga qaatay waxa ay Barcelona u badashay dhanka kale 

Isla weerar celis ay kusoo qaadeen ayey goolka shanaad kula jimaadeen waxaana u dhaliyey Rafinha daqiiqadii ugu danbaysay ee ciyaarta 

Balse goolkaasi waxa uu ubuuray muranmadan iyadoo garsooraha iyo Var midkoodna aanay u arag in wax qalad ah lagula kacay kooxda Benfica 

DHACDOOYINKII CIYAARTA 

Barcelona waxa ay noqotay kooxdii labaad ee usoo baxda wareega labaad ee Champignons league kaliya waxa ka horaysa Liverpool 

Goolkii madaxa ahaa eeuu  Rafinha waa goolkii sadexaad ee laga dhaliyo meelkabaxsan xerada ganaaxa taariikhda Champignons league 

Robert Lewandowski  waxa uu barbareeyey rikoodhkii Cristiano Ronaldo ee goolasha rikoodheha ah ee ciyaartoy ka dhaiyey Champignons league waxa uu xalay dhaliyey goolkiisii 19aad

Vangelis Pavlidis  waxa uu isku qoray buuga ciyaartoyda Champignons league ka dhaliyey sadexley 

Rafinha wax uu ku raaxaysanayaa xiliciyaareedkiisii ugu fiicnaa 31kulan 30 gool

 




Post a Comment

Previous Post Next Post