MIKEL ARTETA OO HESHIIS CUSUB U SAXIIXAY ARSENAL

 


Mikel Arteta ayaa ogolaaday in uu heshiis cusub oo sadex sanadood ah u saxiisaxo kooxda Arsenal.

Mikel Arteta oo lagu badalay macalinka ay isku wadanka yihiin ee Unai Emiry sanadkii 2019kii ayaa kooxda ka dhigay mudadii ku dhaweyd shanta sano ee uu macalinka u ahaa mid si adag u dagaalanta  oo u tartanta ku guulaysiga horyaalka ingiriiska ee Premier league

Arteta oo heshiiska uu kooxda kula jiray uu ku ekaa dhamaadka xiliciyaareedkan, waxaana qandaraaskan cusubi soo af jarayaa hubaanti la aantii ku hareeraysnad mustaqbalkiisa kooxda.

Halka sidoo kale qandaraaskani uu ka dhigayo mid ka mid ah macalimiinta ugu musharka badan ee Premier league.

Saxaafada ayaa bishii May soo warisay sida Mikel Arteta oo mushar ahaan u qaadan jiray 9 million Ginni sanadkii uu u noqonlahaa tababaraha ugu mushaharka badan taariikhda Arsenal

Iyadoo shuruudaha uu ku xidhay qandaraaskiisa ay ku dhawaynayaan mushaharka tababaraha kooxda Manchester city Pep Guardiola oo u xaadira 20 million Ginni sanadkii.

Qandaraaskan cusubi waxa uu siin doonaa kooxda Arsenal dhiiro galin weyn ka hor kulanka ay wajahayaan kooxda Tottenham.

Arteta oo xirfadiisa tababarenimo si fiican ugu caawiyey kooxda Pep Guardiola ee Manchester city oo uu joogay sadex sano  waxa uu hada marayaa in uu ka mid noqdo macalimiinta ugu fiican kubada cagta.


Post a Comment

Previous Post Next Post