LIVERPOOL OO KUSOO DURDURISAY KOOXDA AY XIFAALTAMAAN EE MANCHESTER UNITED

 


Liverpool ayaa cashar udhigtay kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Manchester united oo ay gurigeeda marti ugu ahayd waxa ayna ku muquuniyeen 0-3

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaaba la boobsiiyey kooda martida loo ahaa waxaana daqiiqadii 7aad laga dhaliyey gool inkastoo Var ay beenisay.

Laakin wax badanba kuma qaadan kooxda Arne Slot in ay hogaanka ciyaarta u qabato waxaaana goolka koowaad iyo ka labaadba ka dhaliyey Luis Diaz oo caawin ka helay Mo Salah.

Goolka koowaad waxa uu dhashay daqiiqadii 35aad goolka labaadna daqiiqadii 42aad waxaana kaliya u dhaxaysay 7 daqiiqadood.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Eric tenHaag maqane jooge ahayd waxa ay ku nasasho tageen iyagoon wax gool ah dhalin.

Qaybtii labaad ee ciyaarta oo wax yar socota ayaa goolka sadexaadna lagu aamusiiyey United  waxaana daqiiqadii 56aad ka dhaliyey Mo Salah oo caawin ka helay Dominic Szobszlai

Reds waxa ay soo bandhigtay ciyaarwanaag iyo isku kalsooni dheeraad ah oo  aadba moodo in ay ku ciyaarayeen gurigooda.

In Manchester united lagu garaaco taageerayaashooda hortooda waxa ay ka dhigan tahay in maamulka kooxdu wax iska waydiiyaan tayada macalin TenHaag.

Inkastoo TenHaag uu ku faanay inay yihiin kooda labaad ee koobabka ugu badan ku guulaysatay hada taasi ma u cuntami doontaa maamulka sare ee kooxdiisa.

Dhacdooyinka ciyaarta 

1. Virgil Vandijk kulankiisii 200aad ee Premierleague waxa uu guul ku gaadhay Old Trafford.

2. Mo Salah iyo Eling Haaland waxa ay leeyihiin dhibco isku mid ah xaga kulamada Premier league Salah 3gool iyo 4 caawimo, Haaland 7gool.

3. Mo Salah waxa uu noqday ciyaartoygii goolasha ugu badan ka dhaliyey Manchester united  12 gool ayuu ka dhaliyey.

4. Arne Slot waxa uu jabinayaa rikoodh badan sadexdiisii kulan ee ugu horeeyey wuu badiyey wax goolal ah na kooxdiisa lagama dhalin.

5. Mo Salah oo cadeeyey in uu yahay sanadkii ugu danbeeyey ee uu u ciyaarayo kooxdiisa waxa kaloo uu sheegay in kooxdu aanay wax wada hadal ah oo ku saabsan qandaraas u kordhin kala hadal ilaa hada.

Post a Comment

Previous Post Next Post