Manchester city ayaa soo jiidhay kooxda Westham united oo ay gurigooda marti ugu ahaayeen waxa ayna kaga soo takhaluseen 1-3 oo dhamaantood uu dhaliyey Haaland.
Cityzens waxa ay markale soo bandhigtay awoodooda ciyaareed iyo in ay u hanqaltaagayaan koobkoodii shanaad oo xidhiidh ah.
Kooxda Pep Guardiola waxa ay badisay dhamaan sadexdii kulan ee Premier league ee ay ciyaareen waxa ayna figta sare ka taagan yihiin horyaalka ingiriiska.
Eling Haaland oo ku jira qaabciyaareed waali ah ayaa kooxdiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 10 balse sagaal daqiiqadood kadib waxa gool iska dhaliyey Ruben Diaz.
Laakiin City oo lagu yaqaan cadaadis badan waxa ay daqiiqadii 30aad la yimaadeen goolkooda labaad waxaana u dhaliyey Haaland qaybtii hore ee ciyaartana waxa lagu kala nastay 1-2.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayey u muuqatay in kooxda tababare Julen Lopetegui ay isa soo canaanatay waxa ayna is xejiyeen ilaa daqiiqadii 83aad oo uu isla Haaland goolkiisa sadexaad ka dhaliyey.
Dhacdooyinka ciyaarta
1- Eling Haaland waxa uu dhaliyey sadexleydiisii 8aad kaliya isaga oo saftay 69 kulan waana laacibka kaliya ee mudo gaaban ku gaadhay
Waxa uu Thierry Henry ku gaadhay 8 sadexley 258 kulan waana ciyaartoyga ugu soo dhaw xaga safashada kulamada.
2- Eling Haaland waxa uu kooxdiisa u saftay 69 kulan waxa uuna dhaliyey 70 gool.
3- Pep Guardiola oo amaanay wiilkiisa ayaa sheegay in aanu jirin difaacyahan cilinkara Haaland xataa hadii uu qori sito.
4- Eling Haaland goolkiisii koobaad iyo goolkiisa 68aad oo uu si isku mid ah u dabaal degay
5. Bernando Silva wax uu leeyahay 44 caawimo waana laacibka ugu caawimada badan ciyaaryahanada rer Portugal ee ka ciyaaray Premierleague.