Barcelona ayaa cashar lama ilaawaan ah u dhigtay kooxda Real Valladolid oo marti u ahayd waxa ayna ku xasuuqeen 7-1.
ciyaartan oo ay Barcelona iska maamulanaysay ayaa waxa isku muu jiyey Ravinha oo dhaliyey sadexley.
Markii ay ciyaartu socotay 20 daqiiqo ayuu Raphinha hogaanka u dhiibay kooxdiisa afar daqiiqadood kadibna waxa u labeeyey Robert Lewandowski dhamaadkii qaybta horena waxa u sadexeeyey Kounde.
Markii laga soo laabatay nasashada waxa halkeedii kasii socotay gooldhintii kooxda rer Blaugrana
Raphinha ayaa qaybta labaadna gooldhalinta u bilaabay kooxdiisa waxa uuna daqiiqadii 64aad iyo 72aad udhaliyey goolkooda afraad iyo shanaad.
Waxaana goolka lixaad raaciyey laacibkooda cusub ee Dani Olmo halka goolka todobaadna uu kusoo afmeeray Torres oo bedel kusoo galay.
Kooxda Hansi Flick waxa ay hogaanka u haysaa hiryaalka Spain waxa ayna badiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen.
Hadaba aynu eegno dhacdooyinka laga diiwaangaliyey ciyaartan.
1- Barcelona waxa ay badisay dhamaan afartii kulan ee ay ciyaartay Laliga waxa ayna dhaliyeen in ka badan 10 gool
Waana markii ugu horeysay ee ay sidaas sameeyaan mudo ku dhaw lix sanadood.
2- Lamine Yamal waxa uu goolal ku lug yeeshay dhamaan afarta kulan ee ay kooxdiisu ciyaartay waana rikoodh fiican.
3- weerar yahanada kooxda Barcelona mid waliba waxa uu leeyahay wax qabad muuqda
tusaale ahaan Robert Lewandowski waxa uu leeyahay 4 gool iyo hal caawimo
Raphinha waxa uu leeyahay 3 gool iyo 4 caawimo
Lamine Jamal waxa uu leeyahay 1 gool iyo 5 caawimo.